koob
(m.l) (-bab, m.l)1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iwm oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha.
koob
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Wax dham-maantood wada marid ama wada aqoon. 2. Soo k.: arrin iwm soo gaabin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koob ↴
ubbo-ubax [m.dh] (-xo, m.dh)
(bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
ubuc [m.dh] (-cyo, m.l)
Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
daabbulad [m.dh] (-do, m.l)
Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule. daabbule
gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
gaalis-xidhan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
icraab [m.dh] (-bo, m.l)
(nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
(nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi. icraabi