koobi
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koobi

xad-dhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid.

yakoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yakow.

badan-midab-ileys [m.dh] (-syo, m.dh)
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.

barakoobid [m.f.dh]
eeg barakow.

dhafan-midab-ileys [m.dh] (-syo, m.dh)
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.

karreeb [m.dh]
1. (u) Geel dhalay oo ubadka xerada looga reebay. 2. (-bo, m.l) Warqad meel loo qoray koobiga ka hara.

koobid [m.f.dh]
eeg koob².

koobin [m.f.dh]
eeg koobi.

koobir [m.l] (-rro, m.dh)
Minxiis.

Koo [mu.ti.l]
(kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

koo [mu.ac.l]
(kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg