kooda
(mu.lh.l)

(kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”.

kooda
(dk.lh.l) (-kooda)

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Macallinkooda ayay la tashadaeen”. ld kood².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kooda

faras [m.l] (-rdo/-rso, m.l)
1. (c.nafl.) Naasley qurxan, dheereysa, afar addin leh, guudka iyo qanaanta halab dheer oo jilicsan ku leh oo loo adeegasado fuulidda, rarashada iyo falashada beeraha. 2. Fardaha kooda lab.

ilgoon [m.l] (-nno, m.dh)
Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan.

joodari [m.l] (-iyo, m.dh)
Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.

kood [dk.lh.l] (-kood)
ld kooda².

kuwooda [mu.lh.w]
eeg kooda¹ / tooda¹.

saldhig [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.

soon [m.l]
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.

wan [m.l] (-nan, m.l)
Idaha kooda lab.

Koo [mu.ti.l]
(kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

koo [mu.ac.l]
(kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg