kor
(m.l)1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.
kor
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kor ↴
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
waab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid.
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah
gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga
cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.
naab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fur ku adkeyn.
2. Ku n.: wax la kor saaray wax kale ku
dhejin.
naaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.
baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.