koror
(m.l)

Inta, wax ku darsanta.

koror
(m.l)

(kiim.) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar.

koror
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koror

faa'iideyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Wax kororsasho (cid). 2. Ka f.: si dhagari ku jirto cid dan uga fushad. ld faa'ideyso. faa'ideyso

faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo

raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.

agagse [m.l]
1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. ld agaagse.

baro [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.

dhaxlidda astaamaha [m.dh]
Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.

dulsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rmay, -rantay; -rmi)
Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho.

jeegaan-birlabdanabeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.

kordhid [m.f.dh]
eeg koror².

kor [m.l]
1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.

kor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg