korsaar
(m.l)

1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow.

korsaar
(m.l)

1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq.

korsaar
(Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive)

1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iwm faa'iido saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh korsaar

dhardhaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.

korsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax, wax kale dushiisa yaalla ahaansho.

korsaarid [m.f.dh]
eeg korsaar².

korsaarnaan [m.f.dh]
eeg korsaaran. ld kor-saarnaansho.

korsaarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld korsaarnaan.

rubisaar [m.l]
Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg