kul
(m.l)Diirimaadka fallaaraha qorraxda iyo shidaal gubanaya bixiyaan oo jirka nafleydu kahdo.
Kuleyl*
Holan, humri iwm ee ka yimaada qorraxda, dabka iwm.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kul ↴
aabiweyrax [m.l]
Sabab la'aan cid dagaal ku
qaadid, weyrax kulul.
aabyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
qaabbil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cid la kulmid.
2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.
saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed
oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay
isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax.
2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.
naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab
laabjeex [m.l]
(daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar. laabqarrar
naadi [m.l] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
caag [m.l] (kiim.)
Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.