kulaal
(m.l)

Dab ama wax la mid ah oo kulul oo inta loo dhowaado dhaxanta laysaga bi'iyo.

kulaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Dab ag fariisasho si dhaxanta la isaga bi'iyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulaal

cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

cimilada lamaddegaanka [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

dhagax-cas [m.l]
(jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh.c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.

duufaan-kulaalay [m.l] (-nno ..., m.dh)
(juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.

gobol-kulaale-xige [m.l] (-llo ..., m.dh)
(juqr.) Gobolka u dhexeeya kulaleyaasha iyo gobolka dhexdhexaadka ah. Wuu ka duwanyahay kulaaleyaasha wuxunna leeyahay xilliyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanyihiin jiilaalka iyo xagaagu, cimiladuse guud ahaan way ka diirantahay gobolka dhexdhexaadka ah.

gufaaco [m.dh]
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.

jiidda-dhexe [m.dh] (-dyo ..., m.l)
(c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.

jiido [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.

kayn-maanguruuf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen kayn maanguruuf ah, kan maanguruuftu badanaa waxay ku dhacdaa dhul xeebeedka hoose ee gobollada kulaalayda, waxayna ugu sii badantahay agagaaraha webiga afkiisa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg