kulaale
(m.l) (-layaal, m.l/dh)Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulu-shahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulaale ↴
cimilada lamaddegaanka [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.
cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
dhagax-cas [m.l]
(jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh.c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
gobol-kulaale-xige [m.l] (-llo ..., m.dh)
(juqr.) Gobolka u dhexeeya kulaleyaasha iyo gobolka dhexdhexaadka ah. Wuu ka duwanyahay kulaaleyaasha wuxunna leeyahay xilliyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanyihiin jiilaalka iyo xagaagu, cimiladuse guud ahaan way ka diirantahay gobolka dhexdhexaadka ah.
gufaaco [m.dh]
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.
lamaddegaan [m.l] (-nno, m.dh)
(juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
safaana [m.l]
(juqr.) Ama dhul-cawsaadka kulaaleyda waa gobolka adka la leh kaymaha badhaalaha kubbad badh asta, isla markaana dhaca inta u dhaxaysa ama degaannada diiran (latter) iyo kuwa kulul, deegaanta dabiiciga ah ee ka baxdaa waa caws iyo hir teel-teel ah, wuxuuna leeyahay xilliyo qoyaan iyo qallayl, roob la'aanta xilliga dambena waxay ka hor tagtaa bixitaanka keymaha meelaha qo-yaanka leh mooyee.