kush
(m.l)Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kush ↴
iskushub [m.l]
1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo goroyo ah.
kushad [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg kusho.
kusheeg [m.l]
Is k.: qof isuqabe ah ama sheegte ah.
kushiin [m.l] (-nno, m.dh)
Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
kusho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shaday, -shatay)
Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.
qushuucid [m.dh]
ld kushuucid.
iskushuban [m.dh]
Magaalo ku taala gobolka Bari ee Soomaaliya.
iskushuban [m.dh]
haduu shuban ku qabto sidiisa kusii dee haba celinin!
ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.
ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.