kutirsane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)(c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kutirsane ↴
rabaqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Ratibaadda ama horsiimaynta kutirsaneyaasha urur.
rabaqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(xis.) Ratibaad kasta oo kutirsaneyaasha urur la siinayo horsiimo huban. Summadda nP, waxay u taagantahay tirada raabaqaad n shey oo markiiba la qaato r shey sida; 5P3 waa tirada raabaqaad 5 shey oo markiiba la qaatay 3 shey.
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
asalmadoorshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(xis.) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.
fansaar [m.l]
(xis.) Qaanuun xisaabeed ka dhexeeya laba urur (xaddi), kaas oo, kutirsane kasta oo ka mid ah ururka hore (horaad) uu ku aado kutrisane keliya oo ka mid ah ururka dambe (dambeed).
horaad [m.l]
(xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
hormoggal [m.l]
(xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.
lammaane-horsan [m.l] (-nayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Lammaane kutirsaneyaal ah sida (x,y) oo kala horreysiintoodu ay micne weyn ku fadhido. Tusaale ahaan, lammaanaha horsan (2,3) lama mid aha lammaanaha horsan (3,2), marka lagu muujiyo dhidabbada kaartis.
suge [m.l]
(xis.) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.