kuur
(m.l) (-rar, m.l)Kaabi; ag; cimil.
kuur
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Cid cabsiin, indho ku gubid.
kuuro*
dawo ama wax la mid ah oo inta badan dhalo yar ku jira oo loogu tala galay in waqti gaar ah la adeegsado.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuur ↴
dhabbaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U dh.: arrin u kuur gelid.
falanqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid.
faqdiiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax cararaya meel fog ka sii muuqasho. 2. Qof, qof kale oo hawl haya isagoo dul taagan kuurid. ld fakiiran.
hubsiimo [m.dh]
U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.
kormeer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hawl iwm socodkooda u kuurgelid.
kuurgal [m.l]
1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid.
kuurgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U k.: wax si aad ah ugu dhabbagelid.
kuurgeli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.
ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.
ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.