laballaab
(m.l)1. L. ah: tiro lagu daray tiro la eg. 2. Wax lagu xoojiyay wax la mid ah. ld laballaabid, labanlaab¹.
laballaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Tiro, tiro la eg ku darid. 2. Wax, wax la mid ah ku xoojin. ld labanlaab².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laballaab ↴
laballaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
Wax la labanlaabay noqosho. ld labanlaaban¹.
laballaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la labanlaabay ahaansho. ld labanlaaban².
laballaabayn [m.f.dh]
eeg laballaabee. ld laballaabays.
laballaabays [m.l]
ld laballaabayn.
laballaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid.
laballaabid [m.f.dh]
eeg laballaab². ld labalaab¹, labanlaabid.
laballaabmid [m.f.dh]
eeg laballaaban¹. ld labanlaabmid.
laballaabnaan [m.f.dh]
eeg laballaaban². ld laballaabnaansho, labanlaabnaan, labanlaabnaansho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg