labood
(m.l)

Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labood

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

haysimo [m.dh]
1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).

lab [m.l]
1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.

lallabood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg lallaboo.

mino [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; shahwo. ld mani.

shahwo [m.dh]
Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; mani, mino. ld shahwad.

tiblabood [m.l]
Qarnugeyl.

waryaa [u.j]
(w. waryaaya) Erey lala hadle labood ah dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld ar, aryaa, waar, war³, waryee.

xawo [m.dh]
Biyaha laboodka; mino; shahwo.

labo [m.dh.t]
1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”.

labo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Wax qasasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg