lahad
(m.l)ld lahasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lahad ↴
taada [mu.lh.dh] (kuwaaga, w)
Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad
leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”.
taada [dk.lh.dh] (-taada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “buugaagtaada ayaan ka dhax helay
warqaddan”. ld taa³. taa
kaaga [mu.lh.l]
(kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”.
kaaga [dk.lh.l] (-kaaga)
Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³.
lahasho [m.f.dh]
eeg laho. ld lahad.
waraabalahadal [m.l] (-lyo, m.l)
W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.