lambar
(m.l) (-rro, m.dh)

Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lambar

saacad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.

caddad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.

celcelis [m.l] (-syo, m.dh)
1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu'ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda.

hooseeye [m.l] (-yayaal, ml/dh)
Lambarka hooseeya lambarada jajabka.

koowaad [m.l]
1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. ld koobaad, kowaad.

lambarayn [m.dh]
ld lambarin.

lambaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
ld lambari.

lambari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax lambar u yeelid. ld lambaree, nambaree, nambari.

lambarin [m.f.dh]
eeg lambari. ld lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg