lammaane
(m.l)

(nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan” lamaane

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lammaane

qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.

qaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
(kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.

xaglo-isqummiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xagal qumman ama P/2 gacansin.

xaglo-istoosiya [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xarriq toosan (180° ama P gacansin).

xaglo-talantaali [m.l] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

dabar-lammaan [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay, ).

dabar-wadaag [m.l] (-rro ..., m.dh)
(kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.

dambeed [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
(xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.

deeqe [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.

feedh [m.dh] (-dho, m.l)
(daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg