laxaw
(m.l)

Kaar iyo xanuun, meel gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah dareemo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laxaw

beerlaxawsad [m.l]
ld beerlaxawsasho.

beerlaxawsasho [m.f.dh]
eeg beerlaxawso. ld beerlaxawsad, beerlaxawsi.

beerlaxawsi [m.l]
ld beerlaxawsasho.

beerlaxawso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin.

loof [m.l]
1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw.

xanuun [m.l]
1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.

lax [m.dh] (-xo, m.l)
1. Neef ido ah oo curtay. 2. Meesha xoonku ku hoydo oo ilmaha gashado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg