laxoox
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Kimis ballaaran, xalleefsan oo bur ama budo la dubay ka samaysan; canjeero.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laxoox

birilaxooxeed [m.dh]
Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.

birlaxooxeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
Birdaawe.

halqaban [m.l] (-nno, m.dh)
Daboolka birta canjeerada ama laxooxda.

shubaal [m.dh]
1. Laxooxda balballaaran nooc ka mid ah oo macaan. 2. Shubidda ceel la shubo. 3. ld shubid.

laxo [m.l]
Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. ld lixo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg