laydi
(m.l) (-iyo, m.dh)1. Afargees xaglo quman oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ay isla egyihiin. 2. Nooc gogosha ka mid ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laydi ↴
cariish [m.l] (-shyo/carshaan, m.dh)
Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin.
kosayn [m.l]
1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
kulannada Kaartis [m.l]
(xis.) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
shardi [m.l]
(shuruud, m.l) (xis.) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N.
taxane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. (xis.) Teed tirooyin maangal ah (ama waxyaabo kale) oo qaab laydi leh. 2. (kiim.) Urur xaddiyo ah oo u habaysan dhinac u taxyo iyo joog u taxyo si ay u sameeyaan qaab teed laydisan. Badanaaba waxa lagu dhex xiraa laba bilood ama laba sakal. Taxaneyaasha ma aha qiime tireed sida sugayaasha. Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo xiriirka ka dhexeeya xaddiyada.
lay [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-aayay, -aysay)
1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. ld laa.