layiig
(m.l)

Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh layiig

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

caano [m.l.w]
1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.

daamir [m.l]
Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.

dhacaan [m.l] (-aamo, m.dh)
Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹.

dhacaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan².

dhareer [m.l]
1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid.

dhareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qoyaan layiig ah afka ka keenid (nafley).

dhegdheg [m.l]
1. Qoyaan layiig ah oo wuxuu taabto qabsada sida xabagta iyo caanaha cinjirka iwm. 2. Baqbaqqa indhaha ama wasakh kale.

dhiin [m.l]
1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iwm 2. Midab aad u guduudan.

horyerid [m.l]
Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg