leeb
(m.l) (-bab, m.l)

Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.

leeb
(m.l) (-bab, m.l)

(xis.) Teed kasta oo tiro ah lehna hal dhinac u tax ama hal joog u tax.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh leeb

daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().

xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.

afkulleeble [m.l]
A. ah: qof habaarkiisu kaco.

dhaydhay [m.l]
Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.

faleebbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.

fantax [m.dh] (-xyo, m.l)
1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.

foolwaa [m.l]
(xis.) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.

ilku-leeble [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof la aaminsan yahay inuu nafleyda isha wax ku yeeli karo.

iskudhufasho-foolwaa [m.dh]
(xis.) Iskudhu-fashada leeb iyo xaddi foolwaa ah, taas oo yaraysa ama fidisa dhererka leeb.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg