legdin
(m.dh)1. Dhul dhigidda qof legdamaya dhulka la dhigo. 2. ld legdan¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh legdin ↴
babactan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ciyaaro fudud sida legdin, orod iwm ku tartamid.
bardooddan [m.l]
1. bardootan 1. Ciyaar farakacayaar, legdiniyo is ceyrsi leh oo waqtiga la isaga lumiyo. 2. ld bardooddamid.
bardooddan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ciyaar farakacayaar legdin iyo is ceyrsi leh ku maararroobid. ld bardootan².
daro [m.dh]
1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
farafootan [m.l]
Nooc legdinta ka mid ah.
gudbis [m.l]
1. Meydhaan. 2. Nooc legdinta ka mid ah oo qofka xagga dambe la isu dhaafiyo. 3. ld gudbin.
qonof [m.l]
Tab ka mid ah xeeladaha legdinta oo lugta lagu maro tan qofka kale si loo legdo.