libaax
(m.l) (-xyo, m.dh)(c.nafl.) Bahal hilib ku nool ah, weyn, xoog badan leh, midabkiisuna cawl yahay, oo kiisa lab qaarka hore ku leeyahay shaash oo dadka iyo xoolahaba cuna, kiisa labina (aarka) qaarka hore ayuu ku yeeshaa dhogor dhaadheer oo farabbadan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh libaax ↴
baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash
maafoos [m.l] (-syo, m.dh)
Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.
aar [m.l] (-rar, m.l)
1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
adan [m.dh]
1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
afkullibaaxle [m.l]
Nooc kalluunka ka mid ah.
bahgaatama [m.dh]
Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.
baraxume [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. ld barixume.
barqalibaaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Goor barqo ah seexasho (nafley).
barqalibaaxin [m.f.dh]
eeg barqalibaaxi.
burcayd [m.l]
Jaad ka mid ah libaax badeedka waaweyn. ld bircayd.