libin
(m.l)Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.
libin
(m.dh)Guul.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh libin ↴
waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
baasho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shtay, -shatay)
Baal goray iwm iyadoo libin lagu muujinayo madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku dhegsasho.
guul [m.dh] (-lo, m.l)
Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.
manyiikay [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.
qubleey [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
lib [m.dh]
1. Adkaashaha dagaal ama wax kale oo lagu adkaado; guul. 2. Abaal.