lifaaq
(m.l) (-qyo, m.dh)1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda.
lifaaq
(m.l) (-qyo, m.dh)(nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
lifaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lifaaq ↴
yaa [qr.]
Yaan: markii qurubka diidmada 'aan
2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
uraa [m.l]
Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
abad [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.
dhexjoogid [m.f.dh]
eeg dhexjoog. dhexkabe m.l(-bayaal, m.l/dh) (nax.) Lifaaq la dhexgeliyo erey gudihiisa. Tus. “Waan qorayaa; waan qoranayaa”.
dibkabe [m.l] (-bayaal, m.dh)
(nax.) Lifaaq kagu dhejiyo sal magac ama fal dhammaadkiisa, yacnii dhiniciisa midig. Tus. “Dukaanle baa illinka furay”.
horkabe [m.l]
(nax.) Lifaaq ku dhega ereyga bilowgiisa. Tus. “aqaan, taqaan, yaqaan”.
lifaaqid [m.f.dh]
eeg lifaaq³.