liidaanyo
(m.dh)(daaw.) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh liidaanyo ↴
laqanyo [m.dh]
(daaw.) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
liidaanyeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof wax liidaanyo hayso ahaansho.
liidaanyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Liidaanyo dareemid.
liidaanyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg liidaanyoo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg