liif
(m.l)

1. ld luuf. 2. Xashiish jilicsan oo ka hara alwaaxda la qoro. 3. Dhagax xalleefsan oo lagu luufo. 4. Qaynbaar. 5. Sooloji ahaan, dhisme timaha oo kale ah oo dheer, sida tifafka yar yar ee baalasha shimbiraha.

liif
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

1. Liif ciyaarid. 2. Caatoobid. ld luuf.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh liif

yahan [m.l]
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.

dubaalad [m.dh] (-do, m.l)
Tidic dun ah oo la geliyo feynuusta, matramakiska, fadiisha iwm oo marka la shido iftiin iyo olol bixiso; liifad.

faxalside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.

feynuus [m.l] (-syo, m.dh)
Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. ld faanuus.

galool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh. 2. Duub wareegsan oo liifad, tubaako iwm ka sameysan. 3. Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.

khaliif [m.l]
1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.

khaliif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
(dii.) Khaliif ka dhigid.

khaliifan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
(dii.) Qof la khaliifay ahaansho.

khaliifid [m.f.dh]
eeg khaliif².

khaliifnaan [m.f.dh]
eeg khaliifan. ld khaliif-naansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg