liil
(m.dh)1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
Dawliil*
Bidhaan fog
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh liil ↴
xaliilad [m.dh]
Magac la siiyo gabyaa ku xeeldheer curinta maansada.
agliil [m.dh] (-lo, m.dh)
Cuntada la siiyo arooska toddobada beri ee ugu horreysa.
aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
cidhib [m.l] (-byo, m.dh)
(c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
daliil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-llo, m.dh)
D. ah: qof dullinimo ka muuqato.
daliil [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-llo, m.dh/-lo, m.l)
Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo.
daliili [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xaqiiqadooda sheegid.
daliilin [m.f.dh]
eeg daliili.
daliilnimo [m.dh]
Daliil ahaansho (qof).
dawliil [m.l]
Muuqaal koraad.