lisin
(m.l)ld lise.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lisin ↴
dhagax-lool [m.l] (-llo, m.dh)
Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.
dhuxun [m.l]
Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iwm lagu afeeyo; lisin.
dihin [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hnaa, -hnayd)
1. Wax aan weli la lisin ahaansho (xoolo). 2. Wax aan weli sidii la rabay looga faa'iidaysan ahaansho (dhul). ld dahan.
lise [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. ld lisin.
liso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Mindi iwm lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
maraq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rqay, -raqday)
Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marid, si aan loo nuugin, ama loo lisin.
marqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qaday, -qatay)
Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marasho, si aan loo nuugini ama loo lisin. ld maraqso.
lis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Caano markaas la lisay. 2. Wax kastoo caano ama dhacaan leh sida xabagta iyo cinjirka iyo dhiinka miraha, oo la soo tuujiyo. 3. ld lisid.
lis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Caano maalid. 2. Mindi af u yeelid.