madan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). ld medan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madan

umaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
ld amaamudan.

cimaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
ld cimaamadaysan.

gamaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la gamaamaday ahaansho. ld gamaamuda.

laxaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la alxamay ahaansho (bir iwm).

madane [m.l]
ld maddane.

maddane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. ld madane.

madnaan [m.f.dh]
eeg madan. ld madnaansho, mednaan, mednaansho.

medan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
ld madan.

rahaamadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa,-dnayd)
Shay wax rahmad loo haysto ahaansho.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg