madar
(m.l)

1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey.

madar
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

ld madal¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madar

almadar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.

madal [m.dh]
1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar².

muraayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (-do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

xushmadarro [m.dh]
Xushmo la'aanshada.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg