maddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Ceelka bartankiisa, meesha ilaha biyuhu isugu yimaadaan. 2. Meesha wax walba u ah bartamaha. 3. Ceelasha aan biyahoodu go'in.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maddo

yaasiinmaddoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
eeg Marsoobax. marsoobax

laamaddoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.

laamaddood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg laamaddoo.

adamaddoon [m.l]
Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.

gobannimaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Jabhad hubaysan oo u dagaallanta xurriyada gobol ama dal. 2. Qof ka tirsan jabha.

maddooyaa [m.l]
Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.

maddooyamaddooyo [m.dh]
Nooc ka mid ah cayaaraha carruurtu dheesha oo qori inta la tuuro iyadoo iska dhowraysa in la taabto. ld maddooyo.

maddooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Nacas; dabbaal; caaq.

maddooyeysasho [m.f.dh]
eeg maddooyeyso. ld maddooyeysi.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg