madoobaad
(m.l)

Midab madow oo shay ama wax yeeshaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madoobaad

taaj-belel [m.l] (-llo, m.dh)
(c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.

aas [m.l]
1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.

dayaxmadoobaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.

dayaxmadoobaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.

dhiigmadoobaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.

dhiigmadoobaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.

fiidaaddow [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Waqtiga aasku madoobaado.

gibilmadoobaad [m.l]
Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iwm. ld gibilmadoobaansh.

madow-hadh [m.l] (-wyo ..., m.dh)
(c.fal.) Hadh dhexaadka dhan ee dhulka ama dayaxa ee madoobaada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg