madow
(m.l)

1. Midibka dhuxusha. 2. Mugdi, gudcur. ld madoow¹.

madow
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-oobaa, -oobayd; madmadow)

1. Wax midibka dhuxusha oo kale leh ahaansho. 2. Wax mugdi ah ahaansho (meel). 3. Qof uurkutaaleysan ahaansho. ld madoow².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madow

saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.

yaadaddo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo. caanaqub, kashiito, dhiddo

laabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis. laabis

caad [m.l] (daaw.)
Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.

gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.

laami [m.l] (-iyo, m.dh)
Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iwm oo lagu sameeyo waddooyinka.

maaleeyo [m.dh]
1. Dheecaan aad u madow, qaraar oo geedaha qaarkood dhalaan. 2. Hoore kasta oo midab aad u madow leh.

nabaraan [m.l] (-nno, m.l)
Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.

saalimo [m.dh]
Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg