magacow
(m.l)

1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid.

magacow
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-caabay,-cawday; -caabi)

1. (f.g) Nafley u yeerid. 2. (f.mg) U m. cid wax mas'uuliyaddooda u dhiibid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magacow

magacaabid [m.f.dh]
eeg magacow². ld magacow¹ (3).

magac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.

magac [m.l] (-cyo, m.dh)
(nax.) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg