magacuyaal
(m.l) (-llo, m.dh)

(nax.) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iwm), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magacuyaal

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1) tan

ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2). kan

kaaga [mu.lh.l]
(kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”.

aan [mu.dhm.y]
1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

abad [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.

cayn [m.dh]
(nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.

is [mu.dhm.ly]
1. magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tus. “Cali ayaa is faanshay”. 2. magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tus. “Labadoodu waa is waayeen”.

iyana [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
1. Magacuyaalka qofka saddexaad ee kelida ah oo ka kooban 'iya 1'iyo 'na 2'. 2. Magacuyaalka qofka saddexaad ee wadarta ah oo ka kooban 'iya 2'iyo 'na 2'.

kaas [mu.ti.l]
(kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Kaas ayaa fiican”. ld kaa¹ (-kaas)

kaayaga [mu.lh.l]
(kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg