magan
(m.dh)1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magan ↴
abbaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
acuudu-billaahi [Erey Dareen | Exclamation]
Eray Eebbe looga magan galo wixii la sharaysto. ld cawdu-billaahi.
acuudu-billeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.
hoosgal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Cid maganteeda gelid.
jinac [m.l]
Cayayaan yaryar oo jaadad badan u kala baxa oo magangooyaha ka yar quraanyadana ka weyn; jirac. ld jirac.
magaggooye [m.l]
(c.nafl.) Cayayaan jiraca u eg, kase weyn oo kolkii la cariyo ur aad u qurmuun sii daaya; noole ura. ld magangooye (2).
magangal [m.l]
ld magangelid.
magangal [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
1 (-alay, -ashay; -geli) Cid magan u noqosho (qof).
magangeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof magangelyo siin.
mag [m.dh] (-go, m.l)
Diyo.
mag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Khasaaro cid loo geystay qiimaheeda bixin. 2. Diyo bixin.