magguur
(m.dh) (-ro, m.l)

1. Xabaal; qabri. 2. Dhis, qof jabay oo dhaqdhaqaaqa loo diidayo lagu fariisiyo ama lagu xiro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magguur

magguuraan [m.l]
1. M. ah: astaan ama wax kale oo jiritaankooda aanu tirmin. 2. Hantida aan socon karin sida beeraha, guryaha iwm. ld magguure.

magguure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Wax aan tirmin.

magguurto [m.dh]
1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iwm. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg