mago
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-gtay, -gatay)

Cid mag ka gudasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mago

yabaal [m.l]
1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaalid

laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.

wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

biqle [m.l]
1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo. Sarreen magooliyay.

gacmagooye [m.l]
Nooc geed oo saaqe ah.

magasho [m.f.dh]
eeg mago.

magoog [m.l]
1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. ld magoogid.

magoog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Daash, geed iwm har u yeelid.

magoogid [m.f.dh]
eeg magoog². ld magoog¹ (4).

ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

ma [x.i] Mase: ama
ld mise.

ma [m.l]
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg