mahad
(m.dh)

Wanaag qof cid kale u hayo oo ka dhasha abaal loo galay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mahad

xamdi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Ku x.: Eebbe u mahad naqid; shukrin.

alxamdulillayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ilaah u mahadnaqid.

gallad [m.dh]
Deeq; liibaan; abaal; mahad.

mahadceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U m.: cid abaal gashay u mahadnaqid.

mahadcelin [m.f.dh]
eeg mahadceli.

mahadho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhacdo saamays weyn leh oo aan la illaawi karin. 2. Sheeko.

mahadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid abaal ay gashay u shugriyid.

mahadin [m.f.dh]
eeg mahadi. ld mahadis.

mahadis [m.l]
ld mahadin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg