majinow
(m.l)

ld majin¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh majinow

majin [m.l]
Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.

qun [m.l] (-uman, m.l)
1. Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga yaal middood. 2. Xanuun qanjirrada afka salkiisa ku yaal ku dhaca; majin; majinow; xoqato. 3. Duleelka yar ee wax laga arko ee diiradda. 4. Si toos ah oo aan laalaabasho lahayn.

majin [m.l]
Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.

majin [m.dh] (-jamo/-jo/-anjo, m.l)
1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg