makaab
(m.l) (-byo, m.dh)

Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab.

makaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Ceel makaab afka ka saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh makaab

xakab [m.l]
1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.

karkaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qoryaha ceelka afkiisa la saaro ee marka ceelka wadaanta laga soo saarayo dawliska lagu dul jiido; makaab.

makaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax makaab afka laga saray ahaansho (ceel).

makaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ceel makaab u yeelid.

makaabid [m.f.dh]
eeg makaab².

makaabin [m.f.dh]
eeg makaabi. ld makaabis.

makaabis [m.l]
ld makaabin.

makaabnaan [m.f.dh]
eeg makaaban. ld makaabnaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg