malaas
(m.l)

Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iwm ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.

malaas
(m.dh)

1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.

malaas
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Wax, wax kale sida dhoobo iwm si wanaagsan ugu dhoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malaas

baabillooma [m.dh]
(daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.

xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.

darro [m.dh]
Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro.

fooc-lalmada [m.l] (-cyo ..., m.l)
(daaw.) Fooc, sida badan san, oo ka baxa xuubka malaaska. Sida badan waxa laga helaa sanka iyo daaloollada kale oo sanka xiga, wuxu keenaa awdid, daloollada, infekshin muddo dheer iyo sandareer.

malaasan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tus. “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.

malaasan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iwm wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.

malaaseysasho [m.f.dh]
eeg malaaseyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg