malaha
(Falkaab | Adverb)

Sida maluhu u badan yahay; mindhaa, armaa. Tus. “Malaha galabta roob baa di'i doonaa”. ld male (1).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malaha

in [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.

khatalan [m.l]
Ismoodsiin iyo malahabaabid cid ku dhacda.

khatalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
Wax ismoodsiis iyo malahabow ku dhacay noqosho.

mandaq [m.l]
(fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.

mindhaa [Falkaab | Adverb]
Waxaa laga yaabaa; malaha. Tus. “Mindhaa wuu imaanayaa”.

qaddac [m.l]
1. Weel yar oo subagga iyo saliidda iwm lagu cabbiro. 2. Wax muuqda ama fudud oo malaha lagu garan karo; wax muuqda, wax cad. 3. ld qaddicid.

samalaha [m.dh] (-hayaal, m.l/dh)
1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.

sow [fk.we]
Armaa, billaa, malaha. Tus. “Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaa-naya? Sow iga tagee.” ld saw, show, soo¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg