malayn
(m.f.dh)

eeg malee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malayn

naawil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.

qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

saadaal [m.dh]
1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal

taawi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. ld taawil.

buudhqab [m.l]
Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.

fil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
1. F./u f.: wax malayn. 2. Wax rajayn.

hayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.: cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.

hilaadi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob).

leh [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4]
(lahaa, lahayd) 1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tus.: “Waxaan is leeyahay berri halkan imow”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg