malyuun
(m.l.t.) (-nno/-laayiin, m.dh/-uumaad, m.l)Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; “1.000.000”. ld malyan, milyan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malyuun ↴
lag [m.l]
1. Tiro aan cayinnayn oo ka badan kun. 2. Tiro dhan boqol kun. 3. Kun malyuun; bilyan. 4. ld laag².
malaayiin [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg malyuun.
malyan [m.l]
ld malyuun.
milyan [Magac Lab | Noun Masculine]
ld malyuun.
waxaraxir [m.dh]
(c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
xiriiriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(nax.) Curi-yeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tus. “Sahal iyo Malyuun waa walaalo”.