manaafacaad
(m.l)

Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.

manaafacaad
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-day, -dday)

Ku m.: wax ka faa'iideysasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh manaafacaad ↴

wadaag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.

dooro [m.dh]
1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.

khayraad [m.l.w]
1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.

kiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm manaafacaad-sigooda cid kale lacag kul heshiin.

lo' [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iwm. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.

manaafacaadid [m.f.dh]
eeg manaafacaad².

manaafacaadsasho [m.f.dh]
eeg manaafacaadso.

manaafacaadso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg