mandheer
(m.dh)(c.nafl.) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mandheer ↴
ibi [m.dh] (-byo, m.l)
(c.nafl.) Mandheerta haweenka. ld ebi¹. ebi
xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
fool [m.dh]
(daaw.) Qabashooyin isku xig xiga oo dhallaan iyo mandheer uga soo baxaan ilma-sidaha naag xaamilad ah.
maldheer [m.dh]
ld mandheer.
mandheerrey [m.dh]
(c.nafl.) Naasley mandheer leh.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg