mansuun
(m.l) (-no, m.dh)(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mansuun ↴
badfur [m.l]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.
badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.
kayn [m.dh] (-ymo, m.l)
(juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.
kayn-badhaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
kayn-mansuun [m.l] (-nno, m.dh)
(juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.